Daawo: Rumaan Cabdulqadir: Xabadda ma ayada ayaa isku dhufatay mise waa la dilay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada gabadh yar oo dhawaan la sheegay inay geeriyootay xili ay iskaga duubeysay muuqaal aalada loo yaqaan TikTok ayaa beeniyey inay gabadhoodu ay isku fakisay bistoolada ay ku jirtay xabad, ayada oo arrintaasi si weyn ugu baahday baraha bulshada.

Ehelada marxuumada Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa dil, waxayna beeniyeen wararka ku baahay baraha bulshada ee lagu sheegay inay gabadha yar isku-fakisay bastooladu ayada oo ku gudo jirta duubista muuqaalkaas.

“Gabadha waa la dilay, si foolxun ayaa loo dilay, gacan ka xaq-daran ayaa dishay” ayey tiri Haweeney kamid ah ehelka marxuumad Rumaan.

“Qof miyaa gadaal iska dili karo?. Meesha ay tinta ka duuban tahay ayey kasoo gashay, waxayna ka baxday goofanaha, markaa miyaa la is dhihi karaa cunugteyda ayadaa is-dishay, waa la dilay cunugteyda,” ayey tiri ayeeyada gabadha geeriyootay.

Ehelada ayaa sidoo kale sheegay in dilkaas uu geystay Nin aysan magacaabin, ayaga oo ka dhawaajiyey in eheladiisa iyo ehelka gabadha ay heshiis ka gaareen dilkaas, kadib markii ay labada dhinac kulan wada qaateen, sida ay sheegen.

Si kastaba, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas, waxayna sheegeen iney baaris ku hayaan kiiska gabadhaas daganeyd degmada Yaaqshiid, taas oo u geeriyootay xabad ku dhacday.

Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad,” ayaa lagu yiri  Qoraal ka soo baxay Booliska maalinkii Khamiista.

“Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagidoono.”

Dhacdada gabadhaan yar ayaa si weyn u qabsatay saacadihii u dambeeyay baraha bulshada ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen dadweynaha, maadama ay tahay arrin ugu ku ah geyiga Soomaalida.