Rooble oo la kulmay Deni iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin waxa ay ka wada-hadleen, hase yeeshee wuxuu kulanka qeyb ka yahay kulamo uu Rooble la qaadanayey madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan caasimadda.

Rooble ayaa sidoo kale xalay la kulmay madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horey ugu sugnaa magaalada, oo la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaaminayo.

Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro berri oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

Shirkan ayaa ah fursadii ugu danbeysay ee looga gudbayo is-mari waagga doorashada dalka oo sanad ka badan oo jiitameysay, dalkana gelisay qalalaase dastuuri iyo mid amni.