Sawirro: Ilaalada Shariif oo xakameyn waayay taageerayaashiisa iyo niyad jab soo food saaray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Sheekh Shariif oo laga caburiyay taageerayaashii ku sugnaa ilinka sare ee Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa uu fursad ballaaran u helay inuu la hadlo Taageerayaashii ugu badnaa abid oo lagu soo dhaweeyo musharax la loolamaaya Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Shariif ayaa mar qura la hadlay Taageerayaal lagu qiyaasay inay kor u dhaafayaan 2,500 kuwaasi oo ay xakameyn waayen ciidamo si gaara u xaqiijinaayay amaanka Sheekh Shariif.

Goobta uu Sheekh Shariif kula hadlaayay taageerayaashiisa ayaa waxaa ka dhexmuuqday Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo shacab aad u badnaa.

Saraakiisha iyo Ilaaladii loo diyaariyay Sheekh Shariif oo xakameyn waayay taageerayaasha ayaa ku qasbanaaday inay kala fududeeyaan Taageerayaasha waxa ayna meesha Khudbada u fasaxayeen dadka qaar.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale noqday Musharaxii ugu horeeyay ee jabiyay Warqadii kasoo baxday Maamulka Garoonka Aadan Cadde ee lagu mamnuucaayay ”Kaamiriistayaasha” waxaana gudaha Garoonka qaabab qarsoodi ah u galay dad aad u farabadan oo watay Kaamirado iyo Mobilo aan caadi aheyn kuwaasi oo Sawiro kasoo qaaday Safarka Sheekh Shariif.

Sidoo kale, waxa uu Sheekh Shariif noqday Musharaxii ugu horeeyay oo jabsha amarkii kasoo baxay Villa Somalia, kaasi oo ahaa inaan Garoonka lagu soo dhaweynkarin Musharax.
ololo-2

ololo-4

ololo-9

ololo-7

ololo-5

ololo-8

ololo-1

ololo-6

ololo-3

ololo-10