Xog: Kooxda Shariifka oo farsamo cajiib ah uga gudbay xanibaaddii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ololaha doorashada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si fudud oo cajiib ah uga gudbay xanibaaddii uu madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh u dhigay soo dhoweynta Shariifka ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maamulka garoonka Muqdisho ku amray inaan wax weriyayaal ah aysan tagi karin garoonka Muqdisho, taasi oo lagu sheegay warqad maamulka xalay uu soo saaray, si looga hortago in dunida aragto taageerada iyo soo dhoweynta Shariifka ee shacabka Muqdisho.

Qorshahan ayaa sidoo kale saameyn doona musharaxiin kale oo uu ka mid yahay Farmaajo oo Muqdisho kusoo wajahan.

Si kastaba, kooxda Shariifka oo horey usii ogaa qorshahan ayaa koox weriyayaal isugu jira sawir qaadayaal iyo muuqaal duubayaal kasii kaxeystay magaalada Nairobi, kuwaasi oo soo gudbiyey imaatinka Shariifka ee Muqdisho.

Warbaahinta ayaa dhowr daqiiqo kadib un heshay muuqaalada imaatinka Shariifka, waxaana loo gudbiyey bulshada, sida aad ka aragteen Caasimada Online. Halkan Ka eeg.

“Waxay ahayd tallaabo kalsooni darro muujineysa oo Xasan ka timid, balse waa kasii baaaran degnay, waxay ahayd wax sahlan in laga gudbo arrintan, mana naqaan sababta loo sameeyey” waxaa sidaas yiri qof ka mid ah ololaha doorashada Shariif.

Tallaabadii Xasan Sheekh ee xalay ayaa dad badan ku tilmaameen kalsooni darro iyo daciifnimo uu muujiyey Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com