Loolan Siyaasadeed: CC oo soo saaray warqad lagu burinayo amarkii Xasan Sheekh (Aqri)

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo saaray warqad uu ku burinayo warqad xalay kasoo baxday maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warqaddaas oo la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey madaxweyne Xasan Sheekh, laguna caburinayo musharaxiinta kale, ayaa waxaa weriyayaasha laga mamnuucay tagista garoonka diyaaradaha Muqdisho, si looga hortago inay sawiraan musharaxiinta kale ee imanaya dalka.

Waxaa musharaxiinta sida gaarka ah loo beegsanayo ka mid ah Shariif Sheekh Axmed oo maanta Xamar yimid iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna magaalada kusoo socda.

Warqadda Cumar Cabdirashiid ayuu ku amray dhowr wasaaradood iyo hay’adaha amniga inay dhowraan xuquuqda musharaxiinta kale, una ogolaadaan inay la kulmaan saxaafadda.

Arrintan ayaa u muuqata loolan siyaasadeed sii xoogeysanaya oo ka dhaxeeya Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Sheekh.

Warqadda ayaa soo baxday xilli isla maanta uu Cumar Cabdirashiid shir jaraa’id ku sheegay in arrinta badda aan loo adeegsadan olole doorasho, isaga oo si dadban u weeraray Xasan Sheekh.

Hoos ka aqri warqadda kasoo baxday Cumar Cabdirashiid.

aaa

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com