Sawirro: Qaabka loo dilay sarkaal ka tirsan NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dilkaani ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia kaasi oo loo geystay Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon kaasi oo ay fuliyeen Kooxo hubeysnaa oo markii danbe la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/risaaq Xaaji Maxa’ed Xirsi, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu Sargaalkaasi ka yimid dhanka Tarabuunka waxaana rasaasta huwiyay Kooxo watay gaari nooca raaxada ah.

Sargaalka ayaa ku dhex dhintay Gaarigii uu watay iyadoona dilka kadib ay halkaasi gaaren Ciidamada amaanka oo halkaasi ka qaaday meydka marxuumka.

Rasaasta ayaa waxaa looga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa waxaana xiliga uu dilka dhacaayay halkaasi ku sugnaa ciidamo ka tirsanaa Dowlada oo gacmaha ka laabtay difaaca Sargaalkaasi.
dil 1

dil 2

dil 3

dil 4

dil 5