“S/Land oo ka warheshay daandaansiga P/Land”

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay iney ka warheleen in  maamulka Puntland uu waddo daandaansi dagaal oo ka dhan ah maamulkaasi, sida uu sheegay wasiir u hadlay Somaliland.

Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka macdanta maamulka Somaliland oo wariyaasha kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in maamulkooda uu ka warheley qorshaha maamulka Puntland la damacsan yahay Somaliland.

Wasiirka wuxuu tilmaamay in maamulka Somaliland uusan dhayalsan doonin qorshaha maamulka Puntland uu damacsan yahay, isaga oo sheegay iney dagaal kagala hortagayaan Puntland.

Daan daansiga ayuu sheegay iney ka wadaan dhanka xuduudaha ay wadaagaan labada maamul, isaga oo sheegay inuusan jirin wax xuduud cad oo ay wadaagaan labada maamul sida uu hadalka u dhigay.

“Daansi baa jira oo maamulka Puntland uu ku hayo dhulka Somaliland, marka waxaan dhici karin ayay doonayaan, waxaan dhihi lahaa oo kale ma jiro xuduud caalami ah oo aan wadno, mana garan garo sababta ay dhanka xuduudaheena ugu soo dhawaaneyso, taasina waa daandaansigii aan ka digi jirnay”ayuu yiri wasiirka.

Puntland ayaanan ka hadlin wali eedeynta ah iney daandaansi ku wadaan Somaliland oo kasoo yeertay wasiirka macdanta ee maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com