32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daawo Sawirada: Qaban qaabada ka socta xarunta golaha BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa si hordhac ah iminka u gaaray qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee la filaayo inay u codeeyan musharaxiinta.

Sidoo kale, waxaa goordhow xarunta gaaray Musharaxiinta kala ah:

1-Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

2-C/fitaax Ibraahim Geeseey.

3-Idiris Cabdi Dhaqkhtar.

4-C/rashiid Maxamed Xidig.

Doorashada ayaa ah mid adag aan la saadaalin karin cida kusoo baxeysa, Musharaxiinta ayaana saacadihii ugu dambeeyay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleesan lahaayeen Kursigan.

- Advertisement -

Read more

Local News