Daawo Sawirada sida magaalada Muqdisho uu uga dhacay aaska Gen. Goobaale

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo shaley ku shahiiday magaalada Muqdisho.

Salaada Janaasada lagu tukanaayay Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somalia, Ra’isul wasaaraha, qaar kamid ah Madaxweynayaasha maamulada dalka, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Xassan waxa uu sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.
aas2

aas1

aas1

aas3