Maxaa ka socda baraha bulshaada ay Soomaalida ku kala warqaatan

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta oo Isniin ah ay Maxkamdda Hague ee dalka Nederlands ay u fadhiisaneyso Dacwad la xiriirta muranka badda ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, ayaa waxaa baraha Bulshada lagu hadal hayaa Dacwadaasi.

Bulshada Soomaalida kuwooda isticmaala Barahaasi ayaa aad u hadal haya Dacwada maanta ka furmeysa Hague, waxa ayna qaarkood dhaliilo ka gaabin ah dusha ka saarayaan dowlada Somalia.

Inta badan Bulshada Soomaalida ee ku bahowday Barahaasi, ayaa rajo ka muujinaaya in Kenya looga guuleysto dacwadaasi furan, walow ay jiraan kuwo qaar oo qaba in dacwada ay tahay mid mada-daal ah oo aan laga laheyn dano gaar ah.

Bulshadaani ka careysan xadgudubyada ay Kenya ku kacday ayaa baraha bulshada ka bilaabay ol’ole loogu magac darray difaac baddaada oo ay ku raadinayaan in Kenya laga soo dhiciyo biyaha ay ku soo xad-gudubtay.

Shaqsiyaadka ololaha kawada Baraha ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin caan ka ah dalka kuwaasi oo dowlada Somalia ugu baaqaya inaysan dayicin fursadaha horyaal.

Waxa ay qoraaladooda ku muujinayaan in wakhtiga lagu jiro ay tahay mid ahmiyad u leh Soomaalida, sidaa darteedna ay dowlada si daacad ah ugu doodo arrimaha la xiriira Dacwada Badda.

Dhinaca kale, ololahaani ayaa waxaa qeyb ka ah Soomaali badan oo kasoo jeeda dalka Kenya, kuwaasi oo iyana ku baaqaya in Kenya ay faraha kala baxdo xuduudaha Somalia min bariga ilaa badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com