Xasan Sheekh oo si yaab leh uga hadlay dacwada badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta oo isniin ah lagu wado in magaalada Hague ee dalka Holand ay ka furanto Dacwada Muranka Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, ayaa waxaa goordhow arrinkaasi ka hadlay Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan ka weecan doonin dacwadaasi waxa uuna tilmaamay in guusha ay u dhowdahay Somalia.

Badda ayuu sheegay inaysan laheyn cid gaar ah, sidaa darteedna ay dowlada Somalia uga waaban doonin is hortaaga xadgudubka Badda Somalia.

”Dowlada iyo Shacbiguba kama waaban doonaan dacwadaasi wey naga go’an tahay inaanu guul kasoo hoyino dacwada ka furan magaalada Hague ee dalka Holand”

Waxa uu sheegay in arrintaasi ay u xilsaarteen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada sidaa darteedna ay mudan tahay in kalsooni lasiiyo dadkaasi wakiilka u ah dowlada Somalia.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale rajo weyn ka muujiyay Dacwada hortaala Maxkamadda ICJ oo Maanta Bilaabi doonta Dhageysiga Dacwada Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la imaadan sabar iyo kalsooni waxa uuna cadeeyay in tani ay guul u tahay Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com