Xog: Gaas oo kasoo horjeestay xanibaadda baabuurta koonfurta iyo khilaaf ka taagan Puntland

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Garoowe (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uusan ku qanacsaneyn qorshaha lagu joojiyey gawaarida xamuulka ee isaga kala gooshta gobolada Puntland iyo gobolada dhexe ee Somalia.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Madaxweyne Gaas kulamo la qaatey maalmihii lasoo dhaafey Wasiirka gadiidka Puntland oo ah maskaxda ka  dambeysa joojinta gaadiidkaan.

Joojinta Gadiidkaan ayaa wararka laga helayo xubno ku dhow xafiiska madaxweynaha Puntland ay sheegayaan iney saameyn xooggan ku yeesheen dhaqaalaha maamulkaan ka heli jirey kaabayasha dhaqaalaha iyadoo hoos  u dhac wayn ku yimid ganacsiga guud ee gobolada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayuu dhowaan sheegey in qorshaha lagu joojinayo Gadiidkaan hirgaley islamarkaana hagaajiyey amniga gobolka.

Dhinaca kale xogtaan ayaa sheegeysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas aad uga xumaadey amarka sheegeya in gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia laga qaado taarikada Puntland [ No Plate] tasoo keeneysa in gadiidka xamuulka gobolada kale soo gali karin degaanada Woqooyi Bari gabi ahaanba.

Gadiidka Puntland ayaa marka uu u gudbayo maamulka Somaliland badasha taarikada halka gadiidka Somaliland ku xirtaan taarikada Puntland taasoo sahasha isu socodka ganacsiga.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa isku khilaafsan yihiin amarka lagu joojiyey Gadiidkaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa talabadaan waxaa ku tageeraya Wasiirka gadiidka iyo guddoomiyaha Baarlamanka.

Waxaa la filayaa in dhowaan Gaas uu shaaciyo in xayiraadda laga qaaday baabuurta ka imaneysa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com