XOG: Jawaari oo awoodiisa Siyaasadeed tusaaya Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaaya Odayaal dhaqmeedka kasoo jeeda Beeshiisa kuwaasi oo qeyb ka ah Ergada xuleysa Xildhibaanada.

Jawaari ayaa Odayaasha ka dhaadhicinaaya shaxda xulista Xildhibaanada, waxa uuna sidoo kale sharaxaad kasiinayaa sifaadka lagu soo xulaayo Xildhibaanada dhanka Beeshooda ka imaandoona.

Jawaari waxa uu Odayaasha ku guubaabinayaa inay garab ku siiyaan sida Xildhibaanadooda ay u noqon lahaayen kuwo taageero u muujiya Madaxweynaha ahna Musharaxa u taagan xilka Madaxtinimo, waxa uuna u ballanqaaday in soo laabashada Xassan Sheekh ay maslaxad u noqon doonto beeshooda, waa haddii ay dhacdo inay codka siiyaan.

Wuxuu u sheegay in ahmiyad gaara uu u arko in Xassan Sheekh uu tuso awoodooda Siyaasadeed, isagoo dhanka kale Odayaasha ka dalbaday inaysan dib usoo celin Xildhibaanada hadda uu wakhtiga kasii dhamaaday.

Guddoomiye Jawaari ayaa saaxiib dhow la ah Xassan Sheekh waxaana xusid mudan inuu kamid yahay ragga ka shaqeynaaya dib usoo labashada Xassan.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa inoo xaqiijiyay in ballamo ay kala galeen Xassan iyo Jawaari, taa oo fuli doonto haddii uu guuleysto Xassan.

Docda kale, kulamada Jawaari iyo Odayaasha ayaa ah mid taageero loogu raadinaayo Musharax Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com