Wasiir lagu tuhmayo in Xasan Sheikh Madaxweyne la doonayo oo jawaab lama filaan bixiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa aad usoo if baxayay warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka dhigaa ruux ay saaxiibo dhow yihiin.

Wararkii soo if baxay ee aadka loo hadal hayay waxaa kamid ah in madaxweyne Xasan uu doonayo in wasiirka amniga C/risaaq laga dhigaa madaxweynahja labada gobol si uu markale usoo laabtaa.

Wasiirka amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si cad u sheegay inuusan aheyn musharax u taagan xilka madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Isaga oo la hadlayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayuu waxba kama jiraan ki tilmaamay inuu doonayo inuu xilka iska casilaa kadibna uu noqdaa madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

“Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan inuu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na maahi, mana danaynayo hadda”ayuu yiri C/risaaq Cumar Maxamed.

Bilowga Bisha soo socoto ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdaa doorashada madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com