Xog: Xasan oo 3 dhibaato la kulmi doona haddii uusan ka hortagin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo dhowr jeer shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia, ayaa iminka la kulmaaya caqabado Siyaasadeed oo kasoo food-saaraya dhanka Axsaabta mucaaradka iyo Musharaxiinta loolanka kula jira.

Caqabadaha ugu badan ee uu Xassan Sheekh kala kulmaayo Mucaaradka iyo Musharaxiinta kale ayaa waxaa kamid ah hoos u dhigida taageerada uu Xassan ka heli lahaa dowladaha Somalia saaxiibada la ah iyo Shacabka Soomaaliyeed oo laga dhaadhicinaayo qorshooyin Mugdi Siyaasadeed leh oo uu Xassan ku doonaayo in mar kale uu dalka ku qabsado.

Dhibaatooyinka ugu badan ee uu Xassan Sheekh kala kulmaayo qeyla dhaanta ay wadaan Musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in Dowladaha uu Xassan ka heysto taageerada ay xanibaan dhaqaalaha ay ugu yaboohi lahaayen Xassan, Tashwiish lagu furo Xassan taasi oo saameyn adag ku yeelan doonta Xassan iyo in Colaado Siyaasadeed looga soo furo dhinacyada.

Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kale ee kasoo horjeeda joogitaanka Xassan Sheekh ayaa abaabul ugu jira sida Xassan ay kaga xanibi lahaayen dhammaan taageerada dal iyo dibad, iyaga oo u adeegsanaaya Saxaafada isla markaana soo bandhigaaya haddii ay hayaan calaamado cadeyn kara in Xassan uu ku fashilmay dowladii uu hogaaminaayay 4-tii sano ee u dhamaatay.

Qodobada Seddexda ah ee kor ku xusan waxa ay soo dadajinkaraan in Xassan Sheekh uu galo Jawi caburnaan Siyaasadeed ah, bacdamaa Axsaabta Siyaasada ay ku jiraan shaqsiyaad miisaan ku leh Siyaasada.

Madaxweyne Xassan oo qudhiisa dareensan caqabadahaasi ayaa goor sii horeysay Saxaafada ka sheegay inay jiraan Musharaxiin iyo Siyaasiyiin Kursi doon ah oo isaga u gafaaya.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassana ayaa u muuqanaaya mid ka caajisan ka hortaga Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta weerarka Siyaasadeed ku haya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com