LIVE: Si toos ah u daawo dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maxkamada caalamiga ee cadaaladda (ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland ka socota dhageysiga dacwadda dhanka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya waxaa Qareeno u ah qareeno u dhashay Faransiiska, Mareykanka, iyo UK, halka Soomaaliya ay qareeno u yihiin Soomaaliya iyo ajaaniib kale.

Waxa maanta ay maxkamadda dhageysaneyso ayaa ah sharci ahaanshaha dacwadda ay Soomaaliya geysay maxkamadda, ayada oo kenya ay ku doodeyso inuu jiro heshiis ay garaeen labada dhinac, loona baahneyn in arrintan maxkamad lagu dhameeyo.

Kenya waxay tixraaceysaa heshiiskii sanaddii 2009 uu la galay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo live ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com