Fadeexad cusub: Lacag hor leh oo laga xaday Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya wararsheegaya in dhaqaale aad u xoogan mar kale laga xaday Bangiga dhexe ee dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dhaqaalahaani ayaa la sheegay inuu xaday Agaasimaha Laanta Bangiga dhexe ee Dekedda Muqdsho, waxaana xatooyadaasi baahisay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho oo xiganeysa Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr. Muqtaar Nuur Abuukar.

Agaasimaha Laanta Bangiga dhexe ee Dekedda Muqdsho, ayaa la sheegay inuu xaday dhaqaale dhan (Laba boqol iyo afar kun) oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Garsooraha Maxkamadda Racfaanka Muqtaar Nuur waxa uu sheegay in Maxkamadu ay amar ku bixisay in lasoo xiro Agaasimaha si wax looga weydiiyo xatooyada lagula kacay Qaranka.

Muqtaar Nuur, waxa uu sidoo kale cod dheer ku sheegay in lacagaha la xaday uu waxbadan ka ogaa Xeer ilaaaliyaha balse uusan dooneynin inuu ka hadlo arrintaasi.

Dhaqaalahaasi ayaa la cadeeyay inay ku dhacday akoonka Agaasimaha Laanta Bankiga dhexe ee Dekedda Muqdisho oo lagu magacaabo Magacaabo Cabdi Maxamed Abuukar.

Sidoo kale, Garsooruhu waxa uu sheegay in xukminta shaqsigaasi lagala weecday sharciga, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin cid ilaa iyo hadda wax iska weydiisay dhaqaalahaasi la xaday.

Dhinaca kale, Garsooruhu waxa uu ka digay inay soo baxaan boob kale oo lagula kaco Hantida Qaranka Somalia.

Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin fadeexaddan cusub.

Horey ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa looga xaday lacag ka badan 500,000 oo dollar, oo lagu eedeeyey inuu qaatay qasnajigii badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com