25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Daawo sawirada Sida uu u dhacay dibadbaxyadii looga soo horjeeday Damaca Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Guddiga Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Dacwada Badda u dhaxeysa Wadamada Kenya iyo Soomaaliya islamarkaana lagu diidan yahay in Kenya ay Badda Soomaaliya uu Damac ka galo.

Banaanbaxa ayaa waxaa agaasimay oo abaabulka Wada Maamulka Gobolka Banaadir, Waxaana ka qeyb galay shacab fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Banaanbaxa ayaa taageero loogu muujiyay Qareenada Somaliya ee Maxkamada Hague ku sugan, kuwaasi oo u doodaya Difaaca Badda Somaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal ka jeediyay goobta Banaanbaxa uu ka dhacay ayaa sheegay marnaba inaysan aqbaleyn in Badda Somaliya la qaato.

Kalsoonida lagu qabo in Somaliya ay difaacato badeeda ayuu sheegay inay tahay mid wanaagsan, waxaana uu ka mahadceliyay sida Bulshada ay u muujiyeen Dareenkooda.
banaanbax-1

banaanbax-2

banaanbax-3

banaanbax-5

banaanbax-6

banaanbax-7

banaanbax-8

banaanbax-9

banaanbax-10

banaanbax-11

banaanbax-4

banaanbax-7

- Advertisement -

Read more

Local News