Daawo Sawirrada: Aroos ka dhacay xerada barakacayaasha Rajo ee Muqdisho oo dunida aad looga hadal hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka barakacayaasha ah waxaa inta badan laga aaminsan yahay inay ku jiraan nolol liidata oo ciriiri ah, ayna ka maran tahay farxadda iyo baashaalka.

Hase yeeshee waxaa arrintaas beeniyey Maxamed Nuur iyo Huda Cumar oo dhowaan ku aqal galay xerada barakacayaasha Rajo ee magaalada Muqdisho.

Lamaanahan ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin noloshooda, islamrkaana ku noolaanshaha xerooyinka barakacayaasha aysan la macno ahayn in noloshu tahay mid laga sabro.

Sawirro ay kasoo qaadday wakaaladda warraka Reuters ayaa caalamka oo idil lagu daabacayaa bogagga Internet-ka.

Hoos ka daawo.

bara1bara-2bara-3bara-4bara-5bara-6bara-7bara-8bara-9bara-10bara-11bara-12bara-13bara-14

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com