Ugaaska Xawaadle oo ugu dambeyn lagu daray 135-ka oday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda madasha qaran ee wadatashiga ayaa ansixisay in Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ka mid noqdo Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Soomaaliyeed.

Madaxda Madashu waxa ay isku raaceen in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ka mid noqdo Odayaasha dhaqanka ee 135 ee soo xulaya Baarlamaanka.

Madashu waxa ay garwaaqsatay in Ugaas uu qeyb libaax ka noqon karo Odayaasha isla markaana ay aqbaleen in lagu biiriyo Odayaasha lasoo diyaariyay.

Go’aanka Madasha ayaa ka dambeysay kadib qeylo dhaan iyo dood weyn oo ka dhalatay go’aankii madasha ee shirkii Baydhaba, waxayna madashu ku dooday in Ugaas Xasan aanu markaasi si rasmi ah loo caleemo saarin.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa waxaa lagu beddelay Cumar Ugaas oo horay liiska loogu daray.

Ugaaska Beesha Xawaalde Ugaas Xasan ayaa inbadan ka duwan duubabka kale waxaana lagu sheegaa inuu yahay mid aad ugu ad adag go’aankiisa.

Aqbalida Ugaaska ayaa sidoo kale daba socta hadalkii Xassan Sheekh uu dhawaan sheegay kaasi oo ahaa inuu aqoonsan yahay Ugaas Xasan.

Madaxweyne Xassan ayaa Ugaas Xasan ugu hambaleeyay kamid noqoshada Odayaasha waxa uuna rajo ka muujiyay wax soo kordhintiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com