Qarax ay ku dhamaaden dad shacab ah oo ka dhacay duleedka Magaalada kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaasi oo la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaarigaani ayaa kasoo baxay Degaanka Buulo-gaduud, waxa uuna kusoo jeeday Magaalada Kismaayo, waxaana lasoo warinayaa inay la kacday miino dhulka lagu aasay.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa 3 qof oo shacab ah isla markaana la soctay gaariga, halka tirro intaa kasii badana uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ahaa nooca loo yaqaan Mini Bus , waxaana la sheegay in uu khudaar u waday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Gobolka.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa wadihii gaariga iyo laba kale.

Degaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Magaalada Kismaayo u jira illaa 30km, waxaana dhowr jeer ka dhacay weeraro ay qaadeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Maamulka Jubbland iyo Saraakiisha laamaha amaanka maamulka weli kama aysan hadal Qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in dhaawac farabadan uu jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com