Dagaal qaraaran oo ka socda deegaano ku dhow dhow degmada…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Afgooye ayaa sheegay in deegaano ku dhow dhow degmada uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed halkaasi wada dega.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa waxa uu ka socdaa Degaanka Muuri ee Gobolka Sh/Hoose, kaasi oo qarxay kadib markii dhinac kamid ah dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ay weerar ku qaaden dhinaca kale.

Degaanka Muuri ee uu dagaalka ka socdo ayaa qiyaas ahaan 13Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana adag in halkaasi laga helo macluumaad ku aadan dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yahay mid xoogan isla markaana ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu kusoo faafo deegaanada nabdoon.

Lama oga heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka waxaana lasoo sheegayaa in marba marka xigta uu sii xoogeysanaayo dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com