28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Arag Sawirro: Dhismo casri ah oo qurux badan oo loo dhisay Safaaradda Soomaaliya ee Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo booqasho ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo cusub oo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar yeelatay, taasoo qaab casri ah loo dhisay.

Raiuusl wasaare Cumar ayaa bogaadiyay dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Doha, isagoo u mahad celiyay Dowladda Qatar iyo jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi ku nool, wuxuuna ku dhiirigeliyay in ay la shaqeeyaan Safaaradooda.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiirrigalinta Maalgashiga Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo ka hadlay munaasibadda furitaanka xarunta safaaradda ayaa bogaadiyay Safiirka iyo Jaaliyadda Dalkaasi ayna masuuliyad iska saaraan ilaalinta Hantida Qaranka.

Dhinaca kale Ra’ iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxay la kulmeen Jaaliyadda Soomaalida Qatar, isagoo warbixin kooban ka siiyay xaalada dalka iyo dadaalada socda ee dib usoo celinta nidaamkii iyo amniga dalka.

qat 1qat 2qat 3qat 4qat 5qat 6

- Advertisement -

Read more

Local News