Daawo Sawirrada: Kheyre oo Muqdisho ka furay shir ay 15 dal ka qeyb galayaan

Muqdisho(Caasimada Online) – Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ka furmo, taasoo ku timid dadaalo badan oo la sameeyay, isagoo tilmaamay waxqabadkii 18-kii bilood ee la soo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC.

Dowladaha Qatar iyo Sudan ayaa ah dalalka kaliya ee Wasiir u soo diray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee maanta ka furmay Muqdisho, Labo wasiiru dowle ayaa shirka ka jooga.

Waxaa horay shirarka Kooxdan yeelan jireen ka soo muuqan jiray Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, xubnaha 15ka dal ee ka qeyb galaya shirka Muqdisho ayaa ah xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigooda yahay Magaalada Jeddah

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay bishii September ee sanadkii 2007-dii, xilligii dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaa shirkii u horeeyay ee kooxdaas yeeshaan uu ka dhinac furmay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ee ka dhacay New York.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com