Daawo Sawirrada: Sida 18-ka May looga xusay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maanta gebi ahaanba deegaanada Somaliland looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya.

Dabaal-degan ayaa waxa deegaanada Somaliland laga xusaa sanad kastaba hal mar, taasi oo ku beegan maanta oo kale 18-ka May.

Bulshada ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa saaka aroortii waxay u dareeren fagaarayaasha lagu xusayey munaasibada 18-May, iyaga oo ku labisnaa calanka Somaliland ee saddexda midab.

Munaasibadan ayaa waxa dadweynaha Hargeysa kala qeyb galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadiisa iyo wafdiyo kala duwan oo ka socday dalalka jaarka iyo Marti-sharafta ka kala yimid dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN).

Madaxweyne Biixi ayaa halkaa salaan kaga qaatay kumanaan kamid ah Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland oo Gaardis ku soo maray goobta ay ka dhaceysay Munaasibada xusku, isagoona ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay, uguna hambalyeey bulshada xuska 18-ka May.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com