Xildhibaanada BF oo soo jeediyey in ciidanka Kenya ay ka baxaan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda 15aad ee Kalfadhiga 5aad, waxaana Xildhibaanada lagu wargeliyay xalay inay kulanka maanta oo Sabti ah soo xaadiraan.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa u codeynta Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka dooday warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay soo jeediyeen in Ciidanka dowladda Kenya dalka si deg deg ah looga saaro , Maadaama dhibaatooyin Culus ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ku sugan yihiin.

Xildhibaanada soo jeediyey in Ciidamada Kenya dalka laga saaro ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay si deg deg ah uga  saarto dalka Ciidanka Kenya ee ku sugan degaanada maamulka jubbaland.

FIqi ayaa arrintaas ku sababeeyey in Ciidamada Kenya ay burburin ku hayaan Hantida Shirkadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Xarumaha ay ku leeyihiin Gobolka Gedo oo ah halka looga taliyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa sidoo kale  sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay kula xisaabtami doonaan dhibaatooyinka Ciidanka Kenya ay ku hayaan Shacabka.

Jeesow ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah ula timaado qorsho cad oo ku aadan dagaalka ay Dowladda Kenya kula jirto Hantida Shirkadaha Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa dhawr jeer duqeeyey Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud, waxayna burburisay dhawr xarun oo ugu taalay Gobolka Gedo halkaas oo lagu baab’iyey hanti aad u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com