Ganacsatada Xamar oo ku biiray qorshe odayaasha ay wadaan oo ka dhan ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kulan-kii ugu horreeyay ku yeeshaan odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegayn qaar kamid ah Ganacsatada.

Kulankaan ayaa looga hadli doonaa xaaladda go’doonka ah oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxa uuna daba joogaa kulamo kale oo ay hore u yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaardka Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa markii hore waday oo laba goor shiray odayaasha, balse waxaa hadda kusoo biiray ganacsatada.

Ganacsatada iyo odayaasha ayaa la sheegay in ay kawada hadli doonaan sidii cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed loo saari lahaa Dowladda Soomaaliya iyadoo laga jawaabayo xaaladda go’doonka ah ee Muqdisho.

Dhinacyada ayaa laga yaabaa in ay ku dhawaaqaan joojinta isticmaalka Dekedda Muqdisho iyo bixinta Canshuurta dowladda. Sidoo kale odayaasha ayaa la filayaa in ay la kulmaan guddiga gaadiidlayda Gobalka Banaadir oo si lamid ah laga dalban doono in ay joojiyaan shaqada iyo bixinta Canshuurta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadii ay dhacdo in ganacsatada, gaadiidlayda iyo odayaasha dhaqanka ay qaataan go’aan mid ah waxay noqon doontaa xaaladda mid aan sahlaneen. Sidoo kale waxa uu go’aankaasi noqonayaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa oo kale ah islamarkaana Muqdisho ka soo baxa waayihii dambe.

Dowladda Soomaaliya oo cadaadis ballaaran saartay Shacabka Muqdisho ayaa u muuqata in markaan ay wajahayso cadaadis adag oo uga imaanayaa odayaasha matala beelaha daga Gobalka Banaadir oo u dul-qaadan waayay xaaladda aan sahlaneen ee Muqdisho ka jirto bilooyinkii la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com