Daawo sawirro laga soo qaaday gaadiid DAGAAL oo maamulka JUBBALAND loogu deeqay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somalia Maxamed Alcuthmaani ayaa maanta Maamul Goboleedka Jubaland ku wareejiyay deeq isugu jirta raashiin iyo gaadiid dagaal oo horay loogu balanqaaday Maamulka.

Deeqdaani ayaa Maamulka lagula wareejiyay Munaasabad ka dhacday Dekada Kismaayo, waxaana goobjoog ka ahaa munaasabada Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Maamulka KMG Jubba.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta ay munaasabada soctay Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey Deeqda iyo Taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in deeqda ay maanta Guddoomeen ay tahay mid wax ku ool ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12