Qodobo ka kooban 8 oo laga soo saaray kulan u dhexeeyay Shariif Xasan iyo Odayaal (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan uu Mudooyinkaani socdaal shaqo ku kala bixinaayay deegaano hoostaga G/Sh/hoose.

Safarka uu Madaxweynaha ku joogay Deegaanadaasi ayaa qaatay ilaa Sagaal cisho, waxa uuna kulankiisa ahaa mid uu la qaadanaayay qeybha kala duwan ee Bulshada, sida waxgaradka, Ganacsatada iyo Salaadiinta Beelaha ku hoos nool Maamulka.

Kulamada oo iminka ah mid soo gabagaboobay ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo salka ku hayo hanaanka Maamulka ee Deegaanadaasi.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA

1-In la qaatay nidaam dowladnimo oo ku saleysan Nabad, Cadaalad iyo Xukun wanaag, si loo sugo helitaanka adeegyada asaasiga ah ee Bulshada

2-In shacabka Konfur Galbeed iskiis wax u qabsado, si uu u hiigsado isku filnaansho iyagoo mideynaya xoogooda, dhaqaalahooda iyo talooyinkooda, kuna dhaqmaya deris wanaag

3-Waxaa la qaatay tallaabooyin cadcad oo lagu sugayo amniga sida qaadista Isbaarooyinka sharci darrada ah ee ku teedsanaa wadooyin ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose

4-Waxaa laga digay lana mamnuucay isbaarooyinka iyo Jidgooyooyinka loo dhiganayo shacabka si umadda looga qaado culeyska saameeyay noloshooda iyo adeegyadooda isku socodka

5-Waxaa dib loo howlgaliyay qeybo ka mid ah hay’adaha amniga qaarka harayna hadii allah raali ka noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo dhameytiri doonaa

6-Waxaa dib loo furay garoonka diyaaradaha ee Lambar 50, waxaana la rajeynayaa in dhawaan garoonkaasi howlgalo, shaqadiisana bilaabo

7-Wafdiga waxa uu sahmiyay xerooyinka lagu tababari karo ciidanka Booliiska Koonfur galbeed, waxaana la helay goobo ku haboon tababarka ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya

8-Waxaa la’isku fahmay qaab mideynta iyo wada shaqeynta ciidamada ka howlgala gobalka guud ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com