DF oo laba wafti u dirtay KISMAAYO + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda DF Somalia oo isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga oo laba qeyb ka koobnaa ayaa waxaa Wafdiga hore hogaaminaayay wasiiru dowlaha gaashaandgiga iyo Saraakiil katirsanaa Wasaarada.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa la xiriira Barnaamijka isku dhafka ciidamada Qaranka, waxa ayna Magaalada Kismaayo kula kulmeen Saraakiil ciidan oo ka tirsanaa Maamulka Jubba, waxa ayna kawada hadleen hirgalinta Ciidamada.

Waxaa sidoo kale Kismaayo gaaray wafdi ka kooban gudiyada dastuurka iyo federaalisimka Somalia kuwaas oo kulamo la qaadan doona Hogaanka sare ee Maamul goboleedka Jubaland.

DF Somalia ayaa wado qorsho ay kusoo afmeereyso Barnaamijyada Gobolada dalka, waxa uuna mashruucaasi si xooli ah iminka uga socdaa Magaalada Kismaayo, iyadoona ay ku xigi doonto Puntland.

Lama garanayo sababta DF Somalia ay wasiiru dowlaha gaashaandhiga uga soo dirtay Kismaayo xili uu wasiirkii difaaca ku sugan yahay magaalada Kismaayo kuna howlan yahay arimaha isku dhafka ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com