25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Daawo Sawirro laga soo qaaday QAX maanta ka billowday GAALKACYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Qax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Waqooyiga.

Qaxaani ayaa waxaa sameeyay qoysas aad u farabadan oo dega Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka cararaayay xiisad dagaal oo ka dhex oogan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xiisada ay dadkaani ka Qaxeen ayaa ka dhalatay Saldhig maamulka Galmudug ay ka dhisanesyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan inta u dhexeysa Degaanka Ceel-aqwaan iyo Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Puntland ayaa xabsi dhigay qaar kamid ah gaadiidkii lagu daadgureeyay dadkii Barakaca ahaa, kadib markii lagu eedeeyay inay hurinayaa colaada isla markaana ay ka dhex faa’iideysanayaan xiisada.

Darawalada qaar ayaa la qabtay iyagoo wada Alaab ay leeyihiin dad Shacab ah oo ay u sheegeen inuu Qax jiro oo Magaalada Dagaal uu ka dhici doono.
kk

kkk

kkkk

- Advertisement -

Read more

Local News