Cali Wajiis: Ganacsatada lacagta siiya Al-Shabaab waa in laba loo kala saaraa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ahna uga hadlay go’aamada ay dowladda ku wajaheyso soo afjarida kooxda.

Sheekh Wajiis oo ka hadlay go’aankii dowladda ee ganacsatada ku amreysay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab, ayaa waxa uu dalbaday in dowladda ay u kala saarto ganacsatada labo nooc, si aysan dhibaato hor leh usii gaarsiin.

“Dowladda waxa usoo jeedinayna in la tixgeliyo dadka daruufahooda amniga oo la baaro qofka xoolaha u siiya jaceyl iyo taageero uu hayo kooxda, waa in lasoo qabto oo ciqaab adag la marsiiyo hadey ku cadaato iyo in la kala saaro qofka u bixiyay in uu naftiisa ku badbaadsado, qofkaas dhibaato laguma sameyn karo waa loo digayaa un,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xili sanado badan ay dhibaato ku haysay argagixisada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Shacabka waxa uu kaabaya dowladda oo waa dadka xanuunku ku dhacay, deegaanadooda inay xoreystaan xaq ayey u leeyihiin, labada dadaal wey is dheelitirayaan. Wadamo badan oo argagixisada soo wareerisay waxa looga xoreeyay shacabka iyo dowladda oo iskaashaday.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Al-Shabaab ma aheyn in xiligaan soo gaaraan howl-galkaan waa guuleysanaya waxa kaliya u baahan yahay in gacmaha la is-qabsado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in dowladda ay dardar-geliso abaabulka beelaha, islamarkaana ay u dhameystirto waxkasta oo ay u baahan yihiin, si aan loogu kala hadhin kacdoonka dagaalka ee ka dhanka Al-Shabaab oo markii hore kasoo billowday gobolka Hiiraan.