Daawo: Jeneraal Tuuryare “ATMIS waxaa kusoo baxday xujo kala caddeyn doonta…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in la joogo waqtigii gacan ku gambashada Al-Shabaab, isagoona dowladda federaalka kula taliyay in aan laga aqbalin beenta iyo hagardaamada ay soo marinayaan dadka deegaanadooda ay dul saaran yihiin.

Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare oo booqasho shaqo ku yimid London ayaa Caasimada Online uga waramay marxaladda xiligaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, isagoona ka digay halista ay maleegayaan iyadoo suuragal tahay inay weeraro nafla caarinimo ah ay ka fulayaan goobaha shacabka iyo waddooyinka ay isticmaalayaan ciidamada iyo shacabka kacdoonka wada.

Mar aan weydiinay sababta 10 sano ka badan oo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (EX-AMISOM) ay guulo wax ku ool ah ugu soo hoyn waayeen howlgalada Al-Shabaab maadaama ay ka tayo iyo awood badan yihiin shacabka kacdoonka bilaabay iyo ciidamada DFS, wuxuu ku jawaabay Jen. Tuuryare in AMISOM ay dagaallada qeyb ka ahaayeen, khasaaro naf iyo maal lehna uu kasoo gaaray laakiin hadda imtixaan ay ku tahay AMISOM kacdoonka billowday ee lagu dhabar jabiyay Al-Shabaab.

“Haddii hadafkii dalka loo keenay AMISOM ay aheyd dagaalka Al-Shabaab waxay garab galayaan hadafka cusub ee dagaalka Al-Shabaab, oo waxaa la arkayaa furmaha dagaalka iyagoo garab joogaa, haddii ay ahaayeen mashruuc nooca Shabaab loola dagaalamo nooc kale aheyn oo dalka lagu waxyeeleynaayo hadda ayey kala caddaaaneysa, waxaan is leeyahay meeshii AMISOM ku kala caddaan laheyd, inay dalka u joogeen dano saaxiibtinimo qaran oo dalka in laga xoreeyo Shabaab iyo in dano kale oo guracan oo waqti dhameys ah u joogeen hadda ayey kala caddaaneysaa,” ayuu yiri Jen. C/raxmaan Tuuyare.

Wuxuu qiray Jen. Tuuryare in 10 sano oo AMISOM ay dalka joogtay in guulaha xiligaan la gaaray in aysan weli soo hoyin, balse taasi wuxuu ku macneeyay inay ka dhalatay bisil iyo naceyb loo qaaday Al-Shabaab.

“Hadii AMISOM ay aheyd mashruuc 10 sano soo socday waxay kala caddaan doontaa maalmaha ama todobaadyada soo socda guulaha ay gaaraan ciidamada dowladda iyo shacabka is-abaabulay, waxaana kala caddaan doonta in AMISOM dalka u joogtay mashruuc dhaqaale iyo howlgal amni,” ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare.

Mar aan weydiinay sababta kacdoonka billowday ayuu sheegay in yihiin shacab isbaabulay oo la baneystay dhiigooda, hantidooda iyo reerahooda, kuwaasi oo horey aan fursad ugu helin dowladihii hore balse dowladda xilligaan ay muujisay taageero iyo inay garab taagan tahay shacabka kacdoonka billaabay.

Jen. Tuuryare wuxuu kaloo dowladda madaxdeeda ugu baaqay in kooxaha ay adeegsanayaan Shabaab ee deegaanadooda la haysto aysan dhageysan hagardaamada iyo shirqoolka ay soo marsiinayaan ee ah in wadahadal lala galo si nabad ah ugu baxaan deegaanada ay haystaan, hadalladaasi oo uu ku tilmaamay hagar looga bartay Shabaab.

Ugu danbeyntii wuxuu ka digay Tuuryare shirqoolada AL-Shabaab ay la damacsan yihiin shacabka, ciidamada dowladda iyo kooxaha isbaabulay ee macaawiisleyda wuxuuna fariin u diray ciidamada inay ka feejignaadaan wadooyinka ay isticmaalayaan si aysan u dhicin dhacdadii lagu dilay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo saraakiishii kale.

Jen. Tuuryare ayaa xiligaan si dhow ula shaqeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna warar ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan in xil sare loo magacaabi doono, gaar ahaan garsoorka maxkamadaha.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online