Al-Shabaab oo digniin culus u dirtay warbaahinta kadib go’aankii DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si deg-deg ah uga fal-celisay amarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi, yada oo ku dhowaaqday tallaabada xigta ee ay qaadeyso.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga digay warbaahinta madaxa banaan inay fuliyaan go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxayna kooxda shaacisay in si la mid ah dowladda federaalka ay ula dagaalamayaan warbaahin kasta oo fulisa amarkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in warbaahintii ka tegta dhex-dhexaadnimada in ay u aqoonsan doonaan inay qayb ka tahay dagaalka iyaga lagula jiro.

“Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.

Digniinta Al-Shabaab iyo sidoo kale amarka ka horreeyey ee kasoo baxay dowladda ayaa saameyn ku yeelanaya warbaahinta, maadaama labada dhinac ay ku soo saareen go’aanno iska soo horjeedo, taas oo caqabad ku noqoneyso shaqada warbaahinta Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, xilli dowladda Soomaaliya saacadihii ugu dambeeyey ay qaaday dagaal ka dhanka baraha bulshada ah, ayada oo sheegtay inay hawada ka saartay warbaahinta Oline-ka ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.