Daawo: Wasiir Cabdisaciid oo shaaca ka qaaday ‘arrintii ay isku qabteen’ R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay khilaxafkii dhex maray isaga iyo ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Cabdisaciid oo u waramay warbaahinta Gaylan ayaa sheegay in isaga iyo ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roole aysan isku qabsan wax la xiriiraa dhuxul la dhoofiyey, maadaama shaqo ka joojintii uu ku sameeyey Rooble ay salka ku heysay dhuxul laga dhoofiyey dalka.

“Sidaa ogtahay ra’isul wasaare Rooble shaqada waa ku cusleyd isaga shaqadiisa markii hore ma aheyn wax la xiriira siyaasad, wuxuu ahaa Injineer, ma aheyn nin kala saari kara siyaasadda iyo caadifadiisa, dood na dhex martay aniga iyo isaga intii aan wasiirka ahaa way badneyd,” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid Muuse.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dooda way kala duwaneyd, waxaa kamid aheyd fasixidda qaadka, aniga November ayaa la i magacaabay, December illaa May qaadkaas ayaa la igala hadlayey inaan fasaxo, wuxuu Rooble ii keenay nin qaraabadiisa ah oo la siiyey mashruuca qaadka iyo nin kale oo wasiir ahaa.”

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay inuu iska diiday cadaadiskii kaga imaanayey ra’iisul wasaare Rooble iyo kooxdiisa, wuxuuna xusay inuu u sheegay inay sugaan inta laga gaaro doorashadii madaxweynimo ee sanadkaan dalka ka dhacday.

“Aniga waxaan dhahay doorashada hala sugo, ayagana waxbaa ku taagnaa, mar kasta oo aniga aan diido inaan arrimaha Qaadka galo ra’isulwasaare Rooble wuxuu dhahayey Farmaajo ayaa ku dhahay sidaas miyaa, anigana waxaan ku iri Farmaajo waxaas igalama hadlin haddii aad ogtahay inuu Farmaajo diidan yahay adiga u tag,” ayuu yiri Wasiir Cabdisaciid.

Cabdisaciid ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble handaday wasiiro kale oo uu ku qasbayey arrimaha Qaadka, balse wuxuu sheegay in uusan isaga marnaba ku handadin shaqadiisa.

“Maalinbuu Rooble ii yeeray si deg deg ah iigu imow ayuu dhahay, markaan u tagay wuxuu i dhahay waxaan rabaa inaad maanta qaadka fasaxdo, wasiirrada kale waa la hadlay adiga bis ayaa ku dhagan, wuxuu igu dhahay ma ogtahay xalay inaan ku riyooday anigoo shaqada kaa qaaday, taasna waxay aheyd handadaad sarbeeb ah, waxaan ku dhahay ra’iisul wasaare haddii aad rabto inaad qaadka fasaxdo dhib malahan anaa kaala shaqeenaya ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dhibayo garoonka Nairobi orad kala soo hadal ayaga, haddii ay taas aqbalaan waxyaabo kale oo ganacsiga ku saabsan waan ka wada-hadleynaa wuxuu igu dhahay haye, waana kala tagnay,” ayuu yiri Cabdisaciid.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan arrimo kale oo ay isku qabteen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble, balse wuxuu kaliya ka xusay arrin la xiriirta saxiixa heshiis la xiriiray shidaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran