Daawo: Sheekh SHAAKIR oo shaaciyay laba hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka.

Sheekha oo ka qayb-galay kulan looga hadlaayay dardar-gelinta dagaalka socda ayaa ugu horreytii boggaadiyay kaalinta madaxweynaha ee ku aadan hoggaaminta howlgalladaasi.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka ka socda dalka.

“Aniga waa arkay madaxweynaha oo furimaha taagan oo timihii ay ku baxeen, laakiin wasiiro ay timo ku baxeen iyo xildhibaano maan arkin” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale soo jeediyay laba hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab oo midda koowaad ay tahay in lasii xoojiiyo shacabka, lana hubeeyo.

“Nimankan waxaa la dagaalami karo shacabka oo la xoogeeyo, waxa xoogeynaayana waa culimada oo horkaceysa, dowladdana waa hubeyneysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in lala yimaado fakir lagu wajahayo midka kooxdan, kaas oo ay tahay inay keenaan culimada Soomaaliyeed.

“Fikirka Al-Shabaab wuxuu u baahan yahay fikir laga horgeeyo xaqiiqda dhabtii ah markii la yiraahdo dadka xambaarsan fikirka laga horgeyn lahaa waa culimada” ayuu yiri Shaakir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo dhul badan ka xorreeyay Shabaab.