Daawo: Sheekh Usuuli oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabab

London (Caasimada Online) – Sheekh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in wax kasta ay ka muhiimsan tahay in kooxdaas laga xoreeyo dalka.

Sheekh Usuuli ayaa ganacsatada u sheegay in cadaab iyo carada Alle ay ku muteysa doonaan dhaqaalaha ay siinayaan kooxdaan baneysatay dhiigga dadkaan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Sheekh Usuuli ayaa aad u amaanay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo culumada dalka joogta ku dhiirageliyey inay dadka ku hogaamiyaan dagaalka Khawaarijta.

“War ganacsatadaan la hadlayaa, inaad Shabaab heshiis ku ahaataan inaad idinku ganacsataan oo dhaqaale sameysaan, dadkana ay Shabaab laayaan, ilaahey ayaa idinkaga caroonaya,” ayuu yiri sheikh Usuuli.

Isagoo ganacsatada ku amaanay doorkooda dib u dhiska dalka, ayuu u soo jeediyey in lambarada ay ka soo wacayaan Al-Shabaab ay dowladda ku war-geliyaan, si ninkaas baadda raadinaya tallaabo ay uga qaado dowladdu.

“Ganacsato shacabka ayaad wax ku tihiin, maanta isha ayaa idinku godan, Al-Shabaab la’aantii wax ma noqon karaan, qiyaamaha ayaad ka shalaayi doontaan hadaa dhaqaale siisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Wuxuu amaanay ciidanka xoogga dalka oo dadka shacabka ah ka hor taagan kooxda Al-Shabaab oo caadeysatay daadinta dhiigooda, isagoo culumada ku dhiira geliyey inay cabsida iska dhaafaan oo dadka dagaalka ku hoggaamiyaan.

“Ilaahey ayaa maanta xaqa soo daahiriyey, ciidankeena xoogga dalka ayaa naga qabtay Al-Shabaab, Khawaarijtu waxay sheegaan inay gaalo la dagaalamayaan, laakiin gaaladu Xalane ayey iska fadhiyaan, waxayna mushaar ku qaataan Shabaab joogitaankooda,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa dowladda ugu baaqay inay reebto xumaanta oo diinta loo laabto oo musuqa la joojiyo, “Kuwaan oo ilaahey naga dul qaado ayaan Alle ugu dhawaaneynaa, culumadu waa inay safka hore gasho,”

Sheekha ayaa aad u amaanay qabaa’ilka dagaalamaya, “Maanta qabaa’ilkii ayaa kacay, dad ayaa isku dayaa inay suurad xumeeyaan kacdoonkaan, dadkaas waxay la jiraan Al-Shabaab, waxay ku leeyihiin umadu waa halaagsamee oo beel beel ayaa la isku leynaa, war ninkii qaba in umadu halaagsamee, isagaaba halaagsamay mar hore,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo