Daawo: Sida ay u dhacday Khudbada uu maanta jeediyay Ra’isul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin.

Sidoo kale, Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye uu billaabanayo Bisha soo socota ee May.

Dhismayaasha Waddooyinkan waxaa horay u ballan qaadday Dowladda Qadar oo sheegtay in lacag dhan $200 Milyan ay ku bixineyso Mashaariicda dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Ra’isalwasaaraha waxaa uu maanta ka hadlayay kulan lagu magacaabay daahfurka tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya.