Is diiwaan galinta musharaxiinta guddoomiyaha BF oo maanta bilaabaneysa & Wakhtiga oo aad u yar

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa maanta in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmo is diiwaan galinta Musharaxiinta u tartameysa doorashada Kursiga Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ee faaruqa ah.

Musharaxiinta u taagan doorashada Kursiga loolanka loogu jiro, ayaa maanta iska xaadirin doona Xarunta Golaha Shacabka oo la filaayo inay ka dhici doonto is diiwaan galinta.

Xubno ka tirsan Musharaxiinta ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargaliyay ka faa’iideysiga wakhtiga, si aanu u dhicin dayacnaan dhanka wakhtiga.

Musharaxiintu waxa ay sheegen in diiwaan galinta ay bilaaban doonto subaxa maanta ilaa xiliga galbihii, iyadoo mudada ay heystaan ay tahay mid aad u yar oo laba cisho ah.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri ah.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka kana mid ah Golaha Wasiirada ayaa laga dalbaday in Guddiga qaban qaabada ay u keenaan cadeyn ku xusan is casilaada marka uu is diiwaangelinayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com