Daawo: Taliyaha ciidanka dhulka oo weerar culus ku qaaday Ismaaciil C. Geelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku tagay fariisimaha ciidanka xooga ee ay ku leeyihiin duleedka Beled-xaawo, halkaas oo toddobaadkii hore dagaal ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Taliye Tahliil ayaa sheegay in duleedka Beled-Xaawo ay isku aruursanayaan maleeshiyaad uu sheegay in dowladda Kenya ay gadaal ka riixeyso, kuwaasi oo raba inay carqaladeeyaan amniga ka jira gobolkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Generaalka ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu dano siyaasadeed oo uu xukunka ku dheereysanayo ka leeyahay warbixintii ay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD kasoo saareen xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gar-daran, Shacabka Soomaaliyeed u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadlay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunkiisa” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in natiijada warbixinta guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u saartay xiisada labada dal ay qeyb ka noqdeen shirqoolka xil dheereysiga madaxweyne Geelle, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dhigeeda Jabuuti u jeedisay eedeyn tan lamid ah, taasi oo ay ku sheegtay inay la safatay dowladda Kenya, maadama guddigaasi xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo badankoodu ay ka socdaan Jabuuti.

Guddigaas ayaa waxa lagu iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti, waxayna dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay warbixintoodii mid lala yaabo, isla markaana sheegtay inaysan dhex-dhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.