Dhacdo aabe iyo wiilkiisa ku dhex-martay Sh/Hoose oo sababtay dhimasho

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib xabado ka baxsaday qori AK47 ah oo ay isku qabsadeen Aabe iyo wiilkiisa, degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah, aabaha iyo wiilka ayaa isku qabsaday qorayga, taasna waxey keentay iney dhawr xabadood ka dhacdo, waxeyna waxyeello u geysatay dadkii ka agdhawaa goobta.

Sidoo kale qofka noo warramay wuxuu sheegay in dadka degmada Wanlaweyn ay aabaha uga dacwoodeen wiilkiisa oo ka tirsan ciidanka degmada, taasna ay keentay in aabaha uu isku dayo inuu qorayga xoog uga qaado.

Labada qof oo ay waxyeellada soo gaartay, markii hore dhaawac ahaan ayaa loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, balse Siid Cali Xuseen Cabdulle ayaa geeriyooday inta aan lasoo gaarsiin xarumaha caafimaadka.

Cabdalla Boorow oo ah taliyaha Booliska dagmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney ku raad joogaan aabaha iyo wiilkiisa oo kadib dhacdada goobta ka baxsaday.