Mid ka mid ah saraakiishii ugu sarreeyey ciidamada Abu Mansuur oo la dilay

Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dilay sarkaal ka mid ah mas’uuliyiinta hogaamisa ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo muddo sanado ah u xiran dowladda Soomaaliya. 

Dilkaan ayaa xalay fiidkii hore ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kadib markii la weeraray guri uu daganaa sarkaalka oo lagu magacaabo Cali Xasan Dooyow. 

Weerarka oo ahaa gaadmo ayaa lagu qaarjiyay mas’uulkaan oo laf dhabar u ahaa hogaaminta dhanka ciidanka islamarkaana sanado badan ka soo barbar dagaalamay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadkii 2018 laga soo xiray Baydhabo. 

Mas’uuliyiinta amaanka ee magaalada Baydhabo wali si shaacsan faah faahin ugama bixin arrintaan waxaana aad looga hadal haayaa degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaa gobalada Baay iyo Bakool. 

Ciidamada Mukhtaar Roobow ayaa dagaal iyo cadaawad ay kala dhaxeysay Al-Shabaab tan iyo markii uu wadaadkan ka baxay kooxdan.