Weerar lagu dilay askar badan iyo darawalo oo ka dhacay gobolka Sh/HOOSE

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooye, taas oo ay sii marto wadada dhinaca galbeed uga baxda Afgooye ee aadda Wanlaweyn.

Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9-qof oo laba ka mid ah ay ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee Dhuxusha qaada.

Toddobada qof ee kale waxaa la sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo Al-Shabaab ka difaacayey gaadiidkaas si aysan u gubin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in laba askari oo kale uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay rogmadeen seddax gaari oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Indha-Tareega (N3) oo dhuxul siday, kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Idaacadda VOA u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarka wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale, Al-Shabaab oo loo maleynayo inay weerarkan geysteen ayaan weli wax war ah ka soo saarin.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore gobolka Shabeellada Hoose ku gubay gaadiid dhulxul u siday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay gubaan gaadiidka raashinka u qaaday gobollada ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool.