Daawo: Taliyaha Militerigii ka dagaalamay Baraawe oo bixiyey xog xasaasi ah

Baraawe (Caasimada Online) – Taliyaha hoggaamiya ciidanka militeriga ah ee ku sugan degmada Baraawe oo dhawaan halkaas kula dagaalamay ciidanka ilaalada madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu ku bilowday dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

Sarkaalkaan oo ah Taliyaha ururka 25-aad, guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay, waxayna reer K/Galbeed ku eedeeyeen in isagu uu hoggaaminayey dagaalka.

Hase yeeshee Korneyl Xorogaay ayaa beeniyey eedeyntaas, isagoo sheegay in taliska uu ka maqnaa markii uu dagaalku bilowday, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey sidii uu dagaalku ku bilowday.

Wuxuu sheegay in dagaalka dhan uu ka bilowday gabar ay Qaad ka qaateen ciidanka K/Galbeed, kadibna ay lacagtii qaadka sii diideen, taas oo sababtay in ciidanku ay murmaan.

Muran kadib, Korneylkaan wuxuu sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada Baraawe ee K/Galbeed ay dagaal ku soo qaadeen militeriga, isla markaana ay ka dileen 3-sarkaal iyo hal sarkaal xigeen, halka afar askari oo kalena ay uga dhaawacmeen dagaalkii dhacay.

Taliye Xorogaay oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa sheegay in markii dagaalkaas uu bilaabanayey uu ku maqnaa xaafadiisa, isla markaana uu ka war helay rasaasta bilaabatay, markaas kadibna uu soo gaaray goobta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas uu joojiyey kaligiis, kadib markii uu ciidanka ku amray in wax xabad ah aysan ridin xitaa hadii lagu soo ridayo, sida uu sheegay.

“Kaligey ayaan dhexda istaagay muddo saacado ah ayaan ku howlanaa in dagaalkaas aan joojiyo, ugu dambeyntiina waxaan ku guuleystay habeenkii hal saac, ciidankeyga waxaan ku amray in xabad dambe aysan ridin, balse ciidanka K/Galbeed oo muddo ayey dhankooda kaliya xabaddu ka soo dhaceysay,” ayuu yiri Taliye Xorogaay.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in mudadii uu ku jiray joojinta dagaalka ay taleefanada ka qaban waayeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka K/Galbeed, balse ugu dambeyntii uu kaligiis ku guuleystay inuu hakiyo xabadii dhaceysay.

Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay waxay walaalo yihiin taliyihii 10 sano ka hor Baraawe ka xoreeyey Al-Shabaab AUN Jeneraal Goobaale oo 2016-kii lagu dilay qarax is-miidaamin ah.

Hoos ka daawo wareysiga