Daawo Video: Nairobi oo lagu qaaday weerar dad badan lagu laayey

Nairobi (Caasimada Online) – 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhimatay, 100 kalenao kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday gudaha xarun caan ah oo laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha caasimadda Kenya taas oo lagu magacaabo Westgate Shopping Mall.

Boolisku ayaa sheegay inay tuhusan yihiin in weerarku yahay fal burcadnimo, balse waxaa warar kale ay sheegayaan in weerarku yahay mid argagixisanimo

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo ayaa hoggaaminaya howlgalka lagu badbaadinayo dadka ku dhex jira xarunta, isagoo sheegay in ciidanka booliska ay ku hareereysan yihiin xarunta.

Dableyda ayaa wali ku sugan qeybo ka mid ah dhismaha, rasaas goos- goos ay ayaa mar marka qaar la maqlayaa oo ay is-waydaarsanayaan booliska iyo dableyda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay sidoo kale dableyda ay isticmaaleen bambaano.

Ciidanka milatariga Kenya ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta soo gaareen si ay u joojiyaan laammaha ammaanka ee halkaasi ku sugan.

Xarunta Westgate waxaa badanaa fadhiista Kiinyaanka ladan iyo dadka ajnebiga ah.

Halkan ka daawo dhacdada