Daawo: Villa Somalia oo shaacisay qorshe lagu soo daabacayo lacag cuusb

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo maanta hadal ka jeediyey shirka dhaqaalaha qaranka ayaa soo hadal qaaday qorshaha dowladda cusub ee dib u sameynta lacagta shilin Soomaaliga ah.

Agaasime Maxamed Amiin ayaa sheegay in qorshayaasha dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ay ka mid tahay in dhowaan lasoo daabaco lacagta shilin Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa.

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah, oo aan rajeynayo runtii in ay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa wax badan ka bedesha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha dal walba uu leeyahay,” ayuu yiri.

Lacagta shilin Soomaaliga ayaa ah mid ka sii dabar go’eysa wadanka oo dhan, iyadoo gabi ahaan ka joogsatay gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Amiin ayaa sheegay in siyaasadda dowladda ay xoog badan saari doonto arrimaha dhaqaalaha, iyadoo la samey doono guddi maaliyadeed oo si dhow uga shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo daabacaada lacag cusub.

Shaqo abuurka ayuu sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dowladaan, sidoo kale wax soo saarka iyo kobcinta daqliga ka soo xarooda gudaha dalka, ayuu sheegay inay xoogga saari doonto dowladaan cusub.

Hoos ka daawo