Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka SOOL oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waxay Magaalada Laascaanood ku dileen Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga UCID ee Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay Aflahaar dileen, xilli uu sii gelayay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi, ayna ka baxsadeen goobta.

Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aaddan dilka marxuumka.

Aflahaar ayaa horey u soo noqday xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee Laascaanood.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fulinta ee xisbigaas ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Faarax.

Dhowr jeer oo hore ayaa magaalada laas-caanood waxaa lagu dilay dad xilal ka haayay Somaliland, waxaana taasi ay keentay in Somaliland magaalada Laascaanood kasoo musaafurisay boqolaal qof oo kasoo jeeday degaannada Koonfur Galbeed, haseyeeshee weli dilalka waa ay dhacayaan.