Dad ka badan 200 oo qof oo lagu laayey dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay dad ka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, waxaana lagu eedeeyey jabhadda Oromada oo iyana iska fogeysay.

Wuxuu noqday mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo mudooyinkaan ka dhaca dalka Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalkaan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press, kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkaas.

Goobjoogahaas oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan.”

Goobjooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi amni oo uu qabo darteed, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayaan in la raro “kahor inta aysan dhicin dil wadareed kale.

Wuxuu sheegay in hadda qowmiyadda Axmaarada “loo laaynayo sida digaagga” iyagoo deegaankaas 30 sano kahor lagu dejiyey barnaamij dib u dejin ah.

Labada goobjooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay ciidamada xoraynta Oromada.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka. Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyay eedeymaha.

Itoobiya ayaa dhowr gobol waxaa ka jira xurguf baahsan oo qowmiyadeed, taas oo inta badan ay sabab u tahay cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed.

Qowmiyadda Axmaarada oo ah qowmiyadda labaad ee ugu tirada badan in ka badan 110 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday degaanno ay ka mid tahay Oromiya.

VOA