Daawo Wareysi cusub: Sambaloolshe ‘’Haddii aan xil heyn waxaa ii furan inaan mucaaradka galo’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) oo wareysi gaara siiyay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa mar kale ka hadlay xil ka qaadistiisa iyo in xiligaan uu yahay mid aan dowlada uga janjeersan meel gaara.

Sambaloolshe, oo wax laga weydiiyay inuu ku biiray Mucaaradka iyo inkale maadaama uusan heyn wax xil ah, isla markaana uu dhaliilsan yahay dowlada, ayaa sheegay inaanu jirin waddo kale oo xiligaan u furan maadaama uu yahay Siyaasi dayacan oo aan dhinac aheyn.

Sambaloolshe, waxa uu sheegay inuu waayay xilka uu Qaranka u hayay, sidoo kalane ay dowladu u baasbaxday qaabkii uu mar kale uga soo dhexmuuqan lahaa baarlamaanka Somalia, waxa uuna taa u sababeeyay in DF, gaar ahaan madaxtooyada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixisay sida uu ku weyn lahaa kursiga.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu uga baxay ballan ay wada galeen taa oo aheyd inay isla dhameysan doonaan 4sano oo ay jiri doonto dowladiisa.

Sidoo kale, Sambaloolshe waxa uu tilmaamay in ballanqaadkii ay wada galeen Madaxweynaha uu sababsaday shaqsiyaad ka dhex shaqeeya Madaxtooyada oo aan farta lagu sii fiiqin.

Sambaloolshe, oo wax laga weydiiyay dardarka uu kusoo galay Siyaasada Somalia iyo sida uu xiligaan uu hoos ugu dhacay ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay maahmaah aheyd ‘’Libaax jiis ahba lo wuu fiijiyaa’’