Thaabit oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Xilgudasho Qaran ee Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa loo aqoonsaday inuu yahay duqii magaalo ee ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii la soo dhaafay, iyadoo abaal-marintan loogu talo galay in lagu qiimeeyo waxqabadka madaxda caasimadda qaranka iyo kuwa caasimadaha gobollada.

Mudane Thabit – oo ahaa duqii magaalada Muqdisho ee sanadkii hore – ayaa abaal-marintan ku guddoomay xaflad lagu qabtay hoeelka Mogadishu Guest House oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Natiijadan ayaa ka soo baxday sahan bilihii Oktoobar illaa Diseembar 2017 lagu sameeyay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Cadaado, Kismaayo iyo Jowhar, ayna ka qeyb galeen in ka badan 1,800 oo qof oo laga soo xushay magaalooyinkaas.

Natiijada sahanka la sameeyay waxaa lagu qiimeeyay Mudane Thaabit barnaamijyadiisii ku aaddanaa dhinacyada horumarinta adeegga bulshada, cad-cadaanta iyo maamul-wanaagga Dowladda Hoose, dib-u-heshiisiinta iyo isdhexgelka bulshada, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka dhallinyaradda iyo horumarinta cayaaraha, xoojinta kaalinta haweenka, wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada, samo-falka, iyo u-qareemidda xuquuqda Gobolka Benaadir ee heer qaran.

Waxaa munaasabadda ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cumar Wardheere iyo Sheekh Soomow oo ku hadlayay magaca culimada, Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo ah wasiir hore, Farxiyo Kheyre oo ku hadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeyntana uu xafladda soo xiray Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka, Mudane Diini Maxamed Diini, oo ugu dambeyntii guddoonsiiyay abaalmarinta.

Duqii hore ee Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, oo hadlay markii la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa u mahadceliyay hay’adda Vision oo soo sameysay sahankan, isagoo sheegay inay arrintan ay tahay dhaqan ku cusub dalka oo ah in la xuso waxqabadka wanaagsan.

Hay’adda Vision ayaa sheegtay in abaal-marintan lagu saleeyay macluumaadka Hay’adda Duqa Magaalooyinka ee City Mayors Foundation (CMF) oo soo qabanqaabisa Abaal-marinta Duqa Magaalooyinka ee heer caalami ah (World Mayors Award), taas oo lagu sharfo madaxda u adeegtay bulshadooda, waxna ku soo kordhiyay magaalooyinka ay madaxda ka yihiin. Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision) ayaa xiriir la sameysay hay’addaas si mustaqbalka magaalada Muqdisho loogu soo daro qiimeyntooda u gaarka ah qaaradda Afrika.

Abaal-marintan oo qeyb ka ah Abaal-marinta Xilgudasho Qaran ayaa waxaa soo qabanqaabisay Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision Leadership Academy) ayaa sheegtay in ujeeddada abaalmarintan ay tahay in la muujiyo aragtida fog iyo hoggaaminta madaxda magaalooyinka Soomaaliyeed ee si karti iyo hufnaan leh ugu adeegay shacabka iyo in shacabka fursad loo siiyo ay ku qiimeeyaan waxqabadka madaxda ka talisa magaalooyinkooda.